Qiimaha Xajka Sanadkan iyo Tirada Shirkadaha Ka Qeyb Qaadanaya oo La Shaaciyey.

0
Friday May 17, 2019 - 17:30:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimaha Xajka Sanadkan iyo Tirada Shirkadaha Ka Qeyb Qaadanaya oo La Shaaciyey.

    Guddi ay dhawaan Magacowday Xukuumadda Soomaaliya si ay u jaan gooyaan shirkadaha u tartamaya Xujeyda Soomaalida ee Sanadkan iyo qiimaha Xajka ayaa soo go'aanado soo saaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi ay dhawaan Magacowday Xukuumadda Soomaaliya si ay u jaan gooyaan shirkadaha u tartamaya Xujeyda Soomaalida ee Sanadkan iyo qiimaha Xajka ayaa soo go'aanado soo saaray.


Suldaan Cabdiqani Qorane oo ka mid ah xubnaha Guddiga oo Akhriyey go’aankooda ayaa sheegay in tirada Soomaaliya loo ogolaaday iney sanadkan soo xajiyaan ay gaarayso 11,500 oo Xaaji, ayna Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 3-dii Bishan go’aamisay in Shirkadaha ka qeyb galaya tartanka inay ku shaqeeyaan nidaamka Xablooyinka oo hoostagaya marsada ayna ka qeyb galaan tartan furan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in qiimaha  sanadkan ee xajka uu yahay $3600 oo Dollar halka qiimaha ugu sareeya ee vip-da uu yahay $5,000 oo Dollar.

"Shirkadaha kama kordhin karaan lacagtaasi intaasi,” ayuu Guddiga raaciyey, isaga oo sheegay in shirkadii ka talaabtay jaan-goyntaasi ay wayn doonto ruqsadda.

Waxa uu sheegay in tartankii la galay ee Shirkadaha ay ku guuleysteen 58 shirkadood, isagoo soo bandhigay Magacyada Shirkadaha dayuuradaha ee ku guuleystay tartanka bixinta adeegyada Xajka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip