Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka oo Mar Kale Digniin Ka Soo Saaray Dhoofinta Dhuxusha.

0
Thursday May 16, 2019 - 17:28:17 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka oo Mar Kale Digniin Ka Soo Saaray Dhoofinta Dhuxusha.

    Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa mar kale digniin ka soo saaray dhoofinta dhuxusha oo horay dowladda Federaalka ay ugu aqoonsatay inuu yahay Fal dambiyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa mar kale digniin ka soo saaray dhoofinta dhuxusha oo horay dowladda Federaalka ay ugu aqoonsatay inuu yahay Fal dambiyeed.


War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu sheegay dhoofinta dhuxusha ay saameyn lixaad leh ku leedahay xaalufinya deegaanka, taasoo il weyn oo dhaqaale u tahay Argagixisada.

"Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda,
dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah
xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ayaa baaritaan ku hayay fal-danbiyeedkaas foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhaw yahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay inay jiraan xog lagy kalsoon yahay oo sheegeysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibaaddiisa, kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaas, waxaana la sheegay inay wajahayaan ciqaabta ka dhalata faldanbiyeedkaas sida ku xusan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

"Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad Goboleedka Jubaland gaar ahaan, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayo sida ay qabaan shuruucda dalka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Dhowr jeer oo hore Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa digniin ka soo saaray dhoofinta Dhuxusha, iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay mamnuuceen, hase ahaatee digniintan la soo cusubooneysiiyay ayaa u muuqata mid siyaasadeed iyo farriin ku socota Maamulka Jubbaland oo lagu eedeeyo in deegaanadeeda laga dhoofiyo dhuxusha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip