Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Afur u Sameeyay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed -Sawirro

0
Wednesday May 15, 2019 - 09:46:53 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Afur u Sameeyay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed -Sawirro

    Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Xalay afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Xalay afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.


Kulanka afurka ah ee Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay abwaannada ayaa lagu lafa guray kaalinta abwaannadu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, horumarinta bulshada iyo dhismaha dawladnimada.

Afurka uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada maaliyada iyo warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dastuurka.

Guddoomiyaha ku-xigeenka Golaha abwaannada Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Maxamed Weheliye, ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga mahad celiyay afurka uu u sameeyay golaha, waxa uuna ka sheekeeyay dadaalka abwaannadu ay soo geliyeen dhismaha dawladnimada iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka iyo wasiirka maaliyadda ayaa labaduba ka hadlay kulanka afurka ah uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha abwaannada Soomaaliyeed, waxa ayna ka sheekeeyeen kaalinta dowrka abwaannada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dawladnimada iyo wacyi gelinta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in abwaannadu ay kaalin muhiim uga jiraan bulshada, hal abuur, dhaqan suuban, suugaan iyo ruwaayado ay ku cabbiraan dareenka shacabka.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip