Madaxweyne Waare oo Ka Hadlay Go'aankii Lagu Joojiyay Imtixaanka Dowladda.

0
Tuesday May 14, 2019 - 14:29:32 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare oo Ka Hadlay Go'aankii Lagu Joojiyay Imtixaanka Dowladda.

    Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu si gaar ah u sameysanayo imtixaanka dugsiyada sare kadib markii dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la baabi'iyay imtixaanka oo dhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu si gaar ah u sameysanayo imtixaanka dugsiyada sare kadib markii dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la baabi'iyay imtixaanka oo dhan.


Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka soo dirty inay dib ugu laabtaan Muqdisho .

"Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xusay in Maanta wixii ka dambeya arday waxka barata Iskuuladda ku yaalla Magaalada Jowhar ay Waxbarashadooda Mas’uul ka tahay Hirshabeelle,sidoo kalena aysan wax shaqo ah ku laheyn Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

"Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Warka ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan arday oo ka cabanaya baabi’inta imtixaanka dugsiyada sare ay maanta ka dhigeen magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka mid ah magaalooyika dowlad goboleedka Hirshabelle.

Hadalkaan ayaa waxaa uu daba socdaa,kadib markii xalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka ,isla markaana wixii shalay ka dambeeyay la joojiyay imtixaankii socday, lana baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip