Dowladda oo Sheegtay inay Fashilisay Weerar Ay Bariire Ku Qaadeen Al-Shabaab.

0
Tuesday May 14, 2019 - 13:20:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Sheegtay inay Fashilisay Weerar Ay Bariire Ku Qaadeen Al-Shabaab.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay xalay isku dayeen inay weeraraan Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose iyaga oo labo jiho ka soo weeraray,hayeeshee la fashiliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay xalay isku dayeen inay weeraraan Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose iyaga oo labo jiho ka soo weeraray,hayeeshee la fashiliyay.


General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka lugta ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in  u  14 kamid Xubnihii Shabaab ee weeraray deegaanka Bariire ay halkaasi ku dileen,hayeeshee majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya waka kasoo baxay  General Odawaa.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiiyey in ay arkeen meydad badan maleeshiyad Alshabaab ah oo halkaasi yaala,kadib markii ay isku dayeen in ay soo weeraraan fariisin ay lahaayeen ciidanka dowladda ee Bariire.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Al Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo isdaba joog ah,waxaana sidoo kale ay la kulmayeen weeraro kaga imaanayay dhanka Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip