Banaan Bax Saakay Ka Socda Muqdisho iyo Ra'isul Wasaare Kheyre oo Baaq Loo Diray.

0
Tuesday May 14, 2019 - 09:37:33 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaan Bax Saakay Ka Socda Muqdisho iyo Ra'isul Wasaare Kheyre oo Baaq Loo Diray.

    Waxaa saakay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka socda banaan bax balaaran ay dhigayaan qaar kamid ah ardaydii maalmahan u fadhisay Imtixaanka shahaadiga Dugsiga ee xalay dowladu joojisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saakay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka socda banaan bax balaaran ay dhigayaan qaar kamid ah ardaydii maalmahan u fadhisay Imtixaanka shahaadiga Dugsiga ee xalay dowladu joojisay.


Ardayda banaanbaxa dhigeysa oo qaarkood wata Dharka Iskuulada ay dhigtaan ayaa waxaa ay banaanbax ka wadaan inta u dhaxeysa Taalada Daljirka Daahsoon ilaa Madaxtooyada,sidoo kale Isgoyska Zoobe ilaa qeybo ka mid ah Wadada Maka Al-Mukarama banaan bax ay uga soo horjeedaan go’aankii imtixaankii lasoo galay uu ku baabi’iyya Wasiirka Waxbarashada.

Waxa ay ku dhawaaqayaan ardayda banaan baxa dhigaya ereyo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada ay kamid ahaayeen ha is casilo Wasiir Goodax iyo Ereyo kale oo Wasiirka lidi ku ah.

Ardayda banaan baxa dhigaya ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in xilka ka qaado Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax ay sheegeen in uu fashilmay.

Ardayda ayaa ka cabanaya sababta loo joojiyey Imtixaanka oo mudo Saddex maalin ah socday oo uu dhaqaalo farabadan uga baxay,iyada oo Wasiirka Waxbarashada uu sheegay in imtixaanka gebi ahaanba la baabi’iyey, dibna loo bilaabi doono 27-ka Bishaan.

Markii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu  ku dhawaaqay go’aanka ah in la joojiyey Imtixaanka ayaa waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan dadka ah,iyada oo qaarkood ku taagereen qaarna ay kasoo horjeesteen.

Banaan baxa ayaa laga cabsi qabaa in uu sii xoogeesto, waxaana banaan baxa uu ka dhashay go’aankii Wasaarada Waxbarashada ku baabi’isay imtixaankii la galay kadib markii qashka Imtixaanka ay ardayda badankood heleen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip