Dowladda Soomaaliya oo Baabi'isay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Ka Socday Dalka.

0
Tuesday May 14, 2019 - 08:40:22 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo Baabi'isay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Ka Socday Dalka.

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday iney joojisay imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2018-2019-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday iney joojisay imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2018-2019-ka


Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo muddo saddex maalmood ah uu socday imtixaanka, ayna arday ka badan 30-kun oo qof galeen maadooyin fara badan, waxaana dhacday in imtixaanka suuqa laga helay, laguna faafiyey baraha bulshada, taasoo fadeexad iyo weji gabax ku abuurtay Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in la joojiyay Imtixaankii mideynaa ee dowladda qaadeysay, kaasoo Saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday Muqdisho iyo gobolada Koofureed ee dalka.

Wasiir Goodax oo ka hadlay Warbaahinta dowladda ayaa qiray in la helay Su’aalaha dhamaan Lixdii maado ee la kala galay maalmaha Sabti, Axad iyo Isniin oo maanta aheyd.

Mr. Goodax si rasmi ah ma aanu u sheegin cida Su’aalaha bixisay, wuxuuse carabka ku adkeeyay inay jiraan dad iyadoo Bil Ramadaan lagu guda jiro dhaqaale ka raadiyay iney gataan Su’aalihii Imtixaanka ee ardeyda loo diyaariyay.

"Suuragal Maahan in arday dedaalay oo wax bartay iyo mid isku halaynaayo qish ay meel wada fadhiistaan, isku buundana keenaan” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in la baraha bulshada la xiri doono marka la qaadayo imtixaanka cusub dabayaaqada bishan.

27-ka bishan ayuu tilmaamay inay dib u bilaabanayaan dhamaan maadooyinka Imtixaanka fasalka ugu dambeeya ee dugsiga Sare, isagoo sheegay in la baabi’iyay kuwii la galayay maalmahan, kuwaasoo habeen kasta dhex yaacayay baraha Bulshada.

Waa markii u horeysay ee sanadkan imtixaanka dowladda qaadeysay si musuq maasuq ah suuqyada lagu iibsado, iyadoo C/llaahi Goodax Wasiirka Waxbarashada yahay, lana kowsaday fadeexad imtixaanki u horeeyay ee uu ku soo aado, iyadoo maamulka Puntland ay hore isaga diiday iney qeyb ka noqoto Imtixaanka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ay diyaariso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip