Madaxweynaha Puntland oo Furay Shirka Iskaashiga Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed -Sawirro

0
Monday May 13, 2019 - 07:41:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo Furay Shirka Iskaashiga Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed -Sawirro

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay shirka Iskaashiga, xiriirka iyo wax wada-qabsiga dowladdaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ee kala ah Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, maadaama Puntland hore xiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay shirka Iskaashiga, xiriirka iyo wax wada-qabsiga dowladdaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ee kala ah Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, maadaama Puntland hore xiriir iskaashi ula lahayd Jubbaland iyo Galmudug.


Shirkan oo ka furmay Garoowe waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirkan iskaashiga ah

"Runtii waxaa sharaf weyn noo ah inaan halkan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, waxaan ku faraxsanahay inay madashan joogaan saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale bogaadiyey iskaashiga iyo xiriirka cusub ee dhexmaraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

"Waxaa si gaar ah sharaf weyn noogu ah Puntland inay maanta labadan maamul ay wadayeeshaan iskaashi iyo xiriir, iyadoo hadda ka hor dowladdaha Galmudug iyo Jubbaland u dhexmareen heshiisyo iyo shirar noocaan oo kale ah oo ay iskaashi iyo wax wadaqabsi uga wadahadlayeen". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka ee dhinacyada ganacsiga iyo wadashaqaynta dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Seddexdan Dowlad Goboleed ayaa Iska Kaashan Doona Amniga oo ay qeyb ka tahay Isu Celin Maxaabiista, Xoojinta Xiriirka Ganacsi, iyo Talo Wadaag ku dhisan Siyaasad Degan.

Maamulka Puntland ayaa u muuqda inuu taageeradii kala laabtay Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ka dib markii ay sabab u noqdeen burburkii ku yimid shirkii madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyadu isugu tageen Garoowe.

Image may contain: 2 people, people sitting and suit


Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting and table

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting

Image may contain: 1 person, sitting and suit

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and suit

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip