Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Si Rasmi Ah U Furay Imtixaanka Shahaadiga Ah.

0
Saturday May 11, 2019 - 13:48:52 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Si Rasmi Ah U Furay Imtixaanka Shahaadiga Ah.

    Ra'iisul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada.


Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay daahfurka imtixaanka,wuxuuna dhiira-geliyay ardayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah.

Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 oo Arday,sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir).

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa si weyn loo adkeeyey,iyadoo loo xil saaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin Arday mobile isticmaalaya,isagoona fariin u diray Ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip