Madaxweynihii Hore ee Nigeria oo Lagu Soo Dhoweeyey Magaalada Hargeysa -Sawirro

0
Sunday May 05, 2019 - 18:08:31 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore ee Nigeria oo Lagu Soo Dhoweeyey Magaalada Hargeysa -Sawirro

    Wafdi uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Nigeria Mr. Olusegun Obasanjo ayaa maanta lagu soo hdoweeya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Nigeria Mr. Olusegun Obasanjo ayaa maanta lagu soo hdoweeya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.


Waxaa garoonka dayuuradaha Cigaal ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa C/raxmaan Seylici ayaa ku qaabilay xarunta madaxtooyada Hargeysa wafdiga uu horkacayo madaxweyne Mr Olusegun Obasanjo.

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo xukunka dalkiisa hayey intii u dhaxaysay 1999-2007-kii, islamarkaana Midowga Afrika hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2006, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, isagoo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladdu leedahay.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, ayaa waxa ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe), wasiirrada arrimaha gudaha, iyo hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika, maayarka caasimada Somaliland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in uu Mr Obasanjo uu sidoo kale booqasho ku tegi doono caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.




 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip