Sucuudiga iyo Imaraadka oo 3 Bilyan oo Dollar Siinaya Gollaha Milateriga Suudaan.

0
Monday April 22, 2019 - 14:12:13 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga iyo Imaraadka oo 3 Bilyan oo Dollar Siinaya Gollaha Milateriga Suudaan.

    Boqortooyada sucuudiga iyo Imaraadka carabta ayaa ballanqaaday inay dalkaasi Suudaan ku caawin doonaan 3 bilyan oo dollar, iyadoo gollaha milateriga uu cadaadis xoog leh uu kala kulmayo gudaha iyo dibadaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqortooyada sucuudiga iyo Imaraadka carabta ayaa ballanqaaday inay dalkaasi Suudaan ku caawin doonaan 3 bilyan oo dollar, iyadoo gollaha milateriga uu cadaadis xoog leh uu kala kulmayo gudaha iyo dibadaba


500 Milyan oo lacagtaasi ka mid waxay ballanqaadeen inay naqdi ahaan u dhigi doonaan bangiga dhexe ee dalkaasi Suudaan si wax looga qabto gabaabsiga ka jira lacagta adag ee dollarka. sidoo kale 2.5 Bilyan oo dollar ayay ku bixin cuno, daawo iyo Shidaal, sida ay baahisay wakaalada wararka u qaabilsan Sucuudiga.

Ma cada lacagta ay bixinayaan ay tahay Deeq ama deyn, hase yeeshee Sucuudiga iyo Imaraadka ayaa taageeray gollaha milateriga Suudaan oo uu hoggaamiyo General Cabdifataax Alburhaani, kuwasoo xukunka kala wareegtay madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Albashiir oo si aad isugu dhawaayeen wadanka Qadar.

Mudaharaadayaasha iyo xisbiyada mucaaradka ayaa diidan in milateriga uu maamuli wadankaasi, waxayna dalbanayaan in xukunka lagu wareejiyo xukuumada rayid ah. sidoo kale Midowga afrika ayaa waqti ku qabtay gollaha askarta ee xukunka la wareegtay inay wareejiyaan talada hadii kale Suudaan laga joojin doono ka mid sii ahaanshaha Ururka midowga Afrika.

Sucuudiga iyo Imaraadka ayaa hore u taageeray Milateriga Masar oo uu hoggaaminayay Cabdifataax Al-siisi oo xukunka ka tuuray madaxweynihii hore Maxamed Mursi, kadibna noqday madaxweynihii dalkaasi Masar. sidoo kale waxay taageeraan General Xaftar oo dagaal kula jira xukuumada Qaramada aqoonsan tahay ee dalkaasi Liibiya.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip