Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Madaxda Qaar Ka Mid Ah Xisbiyada oo Shir uga Furmay Nairobi -Sawirro

0
Monday April 22, 2019 - 13:46:00 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Madaxda Qaar Ka Mid Ah Xisbiyada oo Shir uga Furmay Nairobi -Sawirro

    Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi.


Shirkan ayaa ka socda Hotelka Pan Afrika, waxaana soo qaban qaabiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Cabdi Gaandi ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa in gaba gabada laga soo war murtiyeed.

Xubnaha ka dhex muuqda shirka ayaa waxaa ka mid ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo xubno kale.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed.

Shirkan ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, iyagoo wakiilada Beesha Caalamka kala hadlaya arrimaha Soomaaliya iyo sidii taageero gaar ah loo siin lahaa maamuladooda, halkii horay loogu soo marsiin jiray dowladda Federaalka.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip