Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland Jubbaland iyo Galmudug oo Shir Ku Leh Nairobi.

0
Saturday April 20, 2019 - 11:28:42 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland Jubbaland iyo Galmudug oo Shir Ku Leh Nairobi.

    Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xalay ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku biiray Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo horay uga sugnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xalay ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku biiray Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo horay uga sugnaa.


Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula kulmay Mas’uuliyiin iyo Madaxda Shirkadda DP World.

Imaatinkiisa Nairobi ayaa lagu sheegay inuu yahay shir uu la yeelan doono Wakiilada Beesha Caalamka iyo shir gaar ah oo dhex mari doona Madaxda Jubbaland iyo Galmudug oo ay xulufo yihiin.

Wararka laga helayo Nairobi ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland uu maanta shir gaar ah yeelan doonaan, waxaa ay sidoo kale wadajir ula kulmi doonaan Wakiilada Beesha Caalamka iyo waxa loogu yeero deeq bixiyeyaasha.

Maamuladan ayaa dadaal ugu jira sidii ay taageero toos ah uga heli lahaayeen Beesha Caalamka oo dhowaan ku dhawaaqday inay dib u soo cusbooneysiineyso barnaamijkii la macaamilka maamulada, oo horay dowladda iyo maamul goboleedyada si gaar ah loola macaamili jiray.

Khilaafka ragaadiyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sabab u noqday in dowladdu hakiso mashaariicdii horumarinta oo dowladdu siyaasadeysay, maadaama Beesha Caalamka ay dowladda Federaalka soo marsiin jirtay mashaariicda horumarineed iyo taageerada dhaqaale ee loogu tala galay Gobolada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip