Midowga Afrika oo Go'aan Adag Ka Qaatay Milateriga La Wareegay Awooda Dalka Sudan.

0
Tuesday April 16, 2019 - 17:31:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo Go'aan Adag Ka Qaatay Milateriga La Wareegay Awooda Dalka Sudan.

    Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa muddo kooban u qabtay u qabtay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Suudaan si ay xilka ugu wareejiyaan xukuumad rayid ah, ama xubinnimada laga laaban doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa muddo kooban u qabtay u qabtay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Suudaan si ay xilka ugu wareejiyaan xukuumad rayid ah, ama xubinnimada laga laaban doono.


"Xukuumad ku meelgaar ah oo milatarigu hoggaaminayo waxay si buuxda uga soo horjeedsan doontaa wixii ay baadigoobayeen dadka Suudaan” ayaa lagu yiri war saxaafdeed uu soo saaray golahaasi ka dib kulan uu ku yeeshay xaruntiisa dhexe ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa dalbaday "in guddiga milatarigu uu awoodda iska dhiibo, kuna warreejiyo xukuumad rayid ah” iyadoo aysan arrintaasi la dhaafayn 15 maalmood, haddii kalana Suudaan laga mamnuuci doono ka qaybqaadashada dhammaan arrimaha Midawga Afrika.

Hogaamiyaha cusub ee dalka Sudan General Burhan ayaa hore u sheegay in muddo labo sano gudahood uu ku wareejin doono xilka,waxana uu wadahadalo la bilaabay kooxaha mudaaharaadka ka dhigaya caasimada Sudan ee Khartoum.

Golaha Milateriga ee xukunka ka tuuray Madaxweyne Al-Bashiir ayaan illaa hadda ka jawaabin dalabka Midowga Afrika, waxayna arintani dhabarjab ku tahay go’aanka ay horey ugu sheegeen iney labo sano ka dib xukunka ku wareejin doonaan xukuumad rayid ah.

Hase yeeshee sarkaal ka tirsan Golaha hoggaanka Milatariga dalka Sudan ayaa magaalada Addis Ababa ee ay ku taal xarunta Midowga Afrika kula kulmay shalay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyagoo ka wadahadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Sudan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip