Ra"iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigii uu Horkacayey oo Maanta Ku Soo Laabtay Dalka -Sawirro

0
Monday April 15, 2019 - 13:07:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra"iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigii uu Horkacayey oo Maanta Ku Soo Laabtay Dalka -Sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii magaalada Washington ee dalka Mareynkanka uga soo qeyb galeen shir kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii magaalada Washington ee dalka Mareynkanka uga soo qeyb galeen shir kala duwan.


Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Mr. Kheyre waxaa socdaalkiisa Washington ku wehlinayay Wasiirada Maaliyada iyo Qorsheynta, Hnati-Dhowraha Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe iyo Saraakiil kale, wuxuuna la soo kulmay madaxda dalalka Mareykanka, Norwey iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa Bankiga Aduunka iyo Hay’ada lacagta Dunida ee IMF.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka iyo IMF, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

Shirarkii ugu dambeeyay ee Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre kaga qeyb galeen magaalada Washington oo intooda badan diirada lagu saaray arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo arrimo badan oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa Xukuumadda sheegtay iney natiijo fiican oo wax ku ool ah ay ka soo baxeen.

Madaxdii ka soo qeyb gashay shirarkaasi ayaa dhammaantood waxay qireen iney diyaar u yihiin iney Soomaaliya kala hadlaan sidii lagu dhammeystiri lahaa deynta lagu leeyahay iyo cafinteeda.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip