Ku-xigeenkii Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia oo Duqeyn Lagu Dilay.

0
Monday April 15, 2019 - 09:42:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku-xigeenkii Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia oo Duqeyn Lagu Dilay.

    Mas'uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in duqayn lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in duqayn lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish Somalia.


Wasiirka Amnga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqaynta oo Shalay dhacday lagu dilay Cabdixakiim Dhoqobeed oo ah ku xigeenka Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo ah hogaamiyaha kooxda daacishta Somalia.

"Duhurnimadii maanta ayaa duqeyn lala eegtay gaari uu watay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa lagu diley.”ayuu yiri Cabdisamad Gallan Wasiirka Amniga Puntland xilli uu la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Qof kale oo aan weli la aqoonsan ayaa la sheegay inuu la dhintay ninkaasi, iyadoo duqeyntan ay ka dhacday tuulada xariiro ee Duleedka degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuurad dagaal ay gantaal la heshay gaari ay la socdeen raggan oo ku safrayey degaanka Xariiro meel ku dhow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip