Waqtiga La Qabanayo Doorashada Kuraasta Ka Bannaan Golaha Shacabka oo La Shaaciyay.

0
Monday April 15, 2019 - 09:38:34 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqtiga La Qabanayo Doorashada Kuraasta Ka Bannaan Golaha Shacabka oo La Shaaciyay.

    Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo degaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo degaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo,iyadoo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April waxayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka.

Labadan kursi ayaa waxaa baneeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed " Lafta gareen” iyo Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle " Kornel Ruush”.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip