Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka oo ugu Baaqay Wasiirka Amniga inuu is Casilo.

0
Sunday April 14, 2019 - 14:00:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka oo ugu Baaqay Wasiirka Amniga inuu is Casilo.

    Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada amni darada ee ka jirta magaalada Muqdisho iyo habacsanaanta dhanka shaqada ee mas'uuliyiinta Wasaaradda Amniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada amni darada ee ka jirta magaalada Muqdisho iyo habacsanaanta dhanka shaqada ee mas'uuliyiinta Wasaaradda Amniga.


Xildhibaan Saabir oo ka hadlayay kulankii shalay ee golaha Shacabka ayuu talo ahaan ugu soo jeediyay Wasiir Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) inuu iska casilo xilka uu ku magaacaban yahay ee Wasiirka Amniga ah, isagoo taas sabab uga dhigay inuusan u madax banaaneen shaqadiisa, isla markaana aan Hal taliye oo ka amar qaata aanay jirin.

"Wasiirka waxaan leenahay, hadaadan shaqadadaa u madax banaaneyn Wasiir Ducaaloow waxaad uga baahan tahay Wasiir Amni lama arkee masiibadaan kugu soocto yeysan magacaada dhaamin, Imaamkeeniyaa tahaye, ciyaal xamaraa tahaye, meeshaan si tartiib ah isaga tagoo oo iska casil calaal caleyk dheh” ayuu yiri Xildhibaan Saabir

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin hal Taliye oo ka amar qaata Wasiir Isloow, balse Taliyayaasha dhamaan ay maqlaan oo kaliya amarka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Waxaan u baahannahay Wasiir Shaqadiisa u madax banaan, Wasiir Amni ee Wasiir amni iska ah ee waxuu xukumo aan la arag ee Taliye ka amar qaataa uusan jirin aadaa uga xumahay mas’uuliyada uu haayo waan la wada soconaa, hal Taliye oo Ducaale ka amar qaataa ma jiro” ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Labadii sano ee la soo dhaafay ee uu talada dalka hayay Madaxweyne Farmaajo ayuu Xildhibaanka sheegay in magaalada Muqdisho lagu dilay in ka badan Saddex Kun qof oo Shabaab gacantooda ku baxday, iyado ay sii jirto iyana shacab ay laayeen askar boolis ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip