Kulanka Golaha Shacabka oo Furmay iyo Xildhibaanada oo Lagu Amray in Telfoonada Damiyaan.

0
Sunday April 14, 2019 - 13:49:29 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Golaha Shacabka oo Furmay iyo Xildhibaanada oo Lagu Amray in Telfoonada Damiyaan.

    Waxaa xarunta golaha shacabka ka furmay shir Su'aalo Xildhibaanada ku weediinayaan Wasiirada Amniga ,gaashaandhiga iyo sidoo kale taliyaasha kala duwan ee ciidamada .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xarunta golaha shacabka ka furmay shir Su'aalo Xildhibaanada ku weediinayaan Wasiirada Amniga ,gaashaandhiga iyo sidoo kale taliyaasha kala duwan ee ciidamada .


Kulanka golaha shacabka ayaa ku furmay 150-Xildhibaan, waxaana Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal u sheegay in ajandaha kulanka uu yahay su’aal weydiinta masuuliyiinta amniga u qaabilsan Dowlada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xildhibaan kasta oo su’aal weediinaya masuuliyiinta uu kusoo koobo mudo hal daqiiqo ah, waxa uu sidoo kale masuuliyiinta iyo taliyaasha iyana fursad u heestaan in ay ku jawaabaan 3 daqiiqo kaliya.

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka waxaa banaanka ka jooga Warbaahinta, kulanka ayaana ah mid albaabada u xiran yihiin oo Warbaahinta aysan heli karin su’aalaha la weediinayo masuuliyiinta iyo jawaabaha ay bixinayaan.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaanada ku amray in ay damiyaan telfoonada ayna mamnuuc tahay in Xildhibaanada sawirtaan ama duubaan waxa ka socda kulanka Golaha shacabka.

Dhinaca kale, Kusimaha Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa la sheegay in lagu dhex arkay gudaha Xarunta Golaha Shacabka. Warar ayaa sheegaya inuu ka mid yahay madaxda maanta ay xildhibaannadu weydiinayaan su’aalaha, laakiin ka soo daahday bilowgii furitaanka kulanka. Wararka ayaa intaas ku daraya iney su’aalo weydiintu ku bilaabatay.

Fahad Yaasiin ayaa lagu xantaa inuu aad isaga ilaaliyo inuu horyimaado warbaahinta, laakiin kulanka maanta saxaafaddu dibadda ayey ka joogtaa, haddana waxaa laga shaqeeyey in damiyo dhamaan teleefannadii Xildhibaannada, haddii ay wariyayaashu iskudayi lahaayeen iney xog ka helaan waxa gudaha ka socda.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay ka dooday xaalada amaan ee dalka, waxaana maanta Xildhibaanada su’aalo dhinaca amaanka la xariira weediinaya Wasiirada dhinaca amaanka iyo sidoo kale taliyaasha ciidanka oo Baarlamaanka hor jooga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip