Ra'isul Wasaare Kheyre oo Ka Baxay Balan uu Xildhibaanada Golaha shacabka Horey uga Qaaday.

0
Sunday April 14, 2019 - 13:40:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isul Wasaare Kheyre oo Ka Baxay Balan uu Xildhibaanada Golaha shacabka Horey uga Qaaday.

    Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku guul dareestay in ay la xisaabtamaan Xukuumada uu hogaamiyo Ra'isul Wasaare Kheyre, waxaana Xukuumadan ka bad baaday isla xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku guul dareestay in ay la xisaabtamaan Xukuumada uu hogaamiyo Ra'isul Wasaare Kheyre, waxaana Xukuumadan ka bad baaday isla xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo.


Maxamuud C/raxmaan (Beenebeene) oo katirsan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Kheyre uusan fulin balan uu horey Xildhibaanada uga qaaday oo aheyd in uu lix bil kasta ku hor imaan doono si loola xisaabtamo.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanka in mudo ka badan 2-sano ay jirto xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre aysan jirin wasiir hor yimid Xildhibaanada golaha shacabka oo lala xisaabtamay.

”Labo sano ka badan ma jirto hal Wasiir oo Baarlamaanka hor yimid oo lala xisaabtamay, Kheyre waxa uu balan qaaday in lix bil kasta uu ku hor imaanayo Baarlamaanka si loola xisaabtamo balse taasi mka dhicin ” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalintii labaad dood kulul ka leh arrimaha Amniga, iyadoo kulanka maantana uu yahay mid albaabada u xiran oo Wasiirada qaabilsan arrimaha Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ay ka jawaabayaan su’aalaha la weydiinayo.

Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka bad baaday la xisaabtanka Xildhibaanada Golaha shacabka, waxaana arintan sabab looga dhigay in Xukuumada ku jiraan 50-Xildhibaan sidoo kale Xildhibaano badan taageersan yihiin Xukuumada Kheyre.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip