Mas'uuliyiinta Hay'adaha Amniga Dalka oo Maanta Hortagaya Golaha Shacabka.

0
Sunday April 14, 2019 - 09:44:20 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiinta Hay'adaha Amniga Dalka oo Maanta Hortagaya Golaha Shacabka.

    Kulanka Baarlamaanka ee maanta uu ku yeelanayo xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa hortagaya Wasiirada qaabilsan Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada, iyadoo kulankan uu yahay mid albaabada u xiran oo Warbaahinta aan loo ogoleyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka Baarlamaanka ee maanta uu ku yeelanayo xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa hortagaya Wasiirada qaabilsan Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada, iyadoo kulankan uu yahay mid albaabada u xiran oo Warbaahinta aan loo ogoleyn.


Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa kulankii shalay ee waqti dambe la isla gaaray ee Xildhibaanada ayaa sheegay in Kulanka Maanta uu yahay mid Albaabadu u xirnaan doonaan,isla markaana Saxaafada ay dib joog ka noqon doonto .

Mas’uuliyiinta kulanka looga yeeray ee su’aalaha lagu weydiinayo ayaa kala ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Amar Dambe, Duqa Muqdisho iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo horay Guddoonka Baarlamaanka u yeeray.

Xildhibaanada ayaa mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada amnidarro ay ka jirta Magalada Muqdisho iyo waxa uga qorsheysan, iyada oo ay xusida mudan tahay in todobaad ka hor muran uu ka dhashay kulan la filayey in su’aalo lagu weeydiiyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga.

Kulankii shalay ee Baarlamaanka ayaa ahaa kii ugu waqtiga dheeraa, iyadoo Xildhibaanada si adag uga doodeen arrimaha amniga, waxaana eedeymo adag loo jeediyay Hey’adaha Amniga.

Maalmihii u dambeeyay xaalada Amniga ee magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxeysay, iyadoo qalalaase, dilal iyo qaraxyo ka dhacayeen, inkastoo Hey’adaha Ammaanka ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, si looga hortago qaraxyo iyo falal kale oo Amniga waxyeeleynaya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip