Saraakiil iyo Askar Loo Xiray is Rasaaseyntii Labadii Maalmood ugu Dambeeyay Ka Dhacay Muqdisho.

0
Sunday April 14, 2019 - 09:35:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil iyo Askar Loo Xiray is Rasaaseyntii Labadii Maalmood ugu Dambeeyay Ka Dhacay Muqdisho.

    Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in falalkii u dambeeyay ee Ciidamo ka tirsan dowladda isku rasaaseeyeen meelo ka mid ah Muqdisho loo xiray saraakiil iyo askar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in falalkii u dambeeyay ee Ciidamo ka tirsan dowladda isku rasaaseeyeen meelo ka mid ah Muqdisho loo xiray saraakiil iyo askar.


Jen. Bashiir oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hey’adaha amniga ay xabsiga dhigeen saraakiil iyo askar la tuhunsan yahay inay ku lug laheyd falalkii shalay iyo doraad ka dhacay magaalada Muqdisho

"Falal Ciidamada isku rasaaseeyeen meelo ka mid ah Muqdisho, waxay hey’adaha amniga u xireen saraakiil iyo askar lagu tuhunsan yahay falalkii shalay iyo doraad dhacay”ayuu yiri Jen. Bashiir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono askarigii ka hor-yimaada hannaanka sugid amniga, isla markaana aan loo dulqaadan doonin.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda qaadi doonaan wixii hada ka dambeeya ee dhib uu geysto askariga ilaalada u ah.

Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay is rasaaseyn ku dhex maray magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho kusoo kordhayaan isku dhacyada u dhaxeeya ciidanka dowlada, waxaana isku dhacyadaasi ka dhasha khasaaro soo gaara dadka shacabka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip