Taliyaha Booliiska oo Sheegay In La Xiray Sarkaalkii Xukumayay Askarigii Dilay Bajaajlaha.

0
Saturday April 13, 2019 - 18:02:10 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliiska oo Sheegay In La Xiray Sarkaalkii Xukumayay Askarigii Dilay Bajaajlaha.

    Ciidamada amaanka ayaa maanta xabsiga dhigay sargaal katirsan ciidanka booliiska oo taliye u ahaa ciidankii ka howlgalayay Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada amaanka ayaa maanta xabsiga dhigay sargaal katirsan ciidanka booliiska oo taliye u ahaa ciidankii ka howlgalayay Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho.


Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi ayaa maanta shaaca ka qaaday in la xiray sargaalkii heestay isgooska Howlwadaag ee maanta dilku ka dhacay.

Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha in ay socdaan howlgalo lagu baadigoobayo askarigii dilka u geestay wiilkii bajaajlaha ahaa ee iyo sidoo kale ninkii la socday waxa uuna rajo ka muujiyay in lasoo qabto gacan ku dhiiglaha.

"Booliiska ee taagan adinka ayaay idiin shaqeeyaan amnigiina ayay sugaan amniguna waa nolosheena oo dhan,hadii ay wax dhacaan waa laga daba tegaa ninkii sarkaalka ka ahaa waa xiranyahay kan kalana waan keenaynaa Ehelkii uu ka dhintayna Samir iyo iimaan allaha kasiiyo adinka oo dhana Samir allaha idinka siiyo saaxiibkiin xaqoodiina meel ayaanu saaraynaa ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed”

 

Sida aan wararka ku helnay sargaalka la xiray ayaa loo heestaa in uu ku guul dareestay in uu qabto askariga dilka geestay, waxa ayna talaabadan u muuqataa mid lagu ciqaabayo taliye unugyada ciidamada ee ku fashilma qabashada askarta dilka geesata .

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in si fudud maalin walbo ku baxsadaan askarta dadka shacabka ah dilalka u geesata, waxaana xusid mudan in goobaha dilalka ka dhacaan ay joogaan ciidamo kale oo dowlada katirsan.

Barqanimadii maanta ayay aheyd markii askari ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya uu darawal Mooto Bajaaj uu ku dilay Isgooyska How-wadaag ee magaalada Muqdisho dilkaas oo sababay dibadbaxyo hareeyay qeybo badan oo ka mida Magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip