Guddoomiye Yariisow iyo Taliyaha Booliska oo La Hadlay Banaan Baxayaasha -Sawirro

0
Saturday April 13, 2019 - 14:04:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Yariisow iyo Taliyaha Booliska oo La Hadlay Banaan Baxayaasha -Sawirro

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho gil gilay banaan baxyo xoogan oo qaarkood rabshado wateen , waxaana banaan baxan uu ka dhashay dil arxan daro ah oo saakay askari katirsan booliiska u geestay wiil bajaajle ahaa iyo abtigiis oo la socday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gil gilay banaan baxyo xoogan oo qaarkood rabshado wateen , waxaana banaan baxan uu ka dhashay dil arxan daro ah oo saakay askari katirsan booliiska u geestay wiil bajaajle ahaa iyo abtigiis oo la socday.


Dadka banaan baxa dhigayay oo u badnaa dhalinyaro ayaa wadooyinka magaalada Muqdisho ku gubayay taayaro waxa ay sidoo kale dhagxaan ku tuurayeen goobaha ganacsi, gaadiidka iyo sidoo kale ciidanka dowlada.

Banaan baxyada ayaa kusii fiday wadooyin badan oo magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi keentay in magaalada inteeda badan gasho jawi xasilooni daro ah iyadoona la xiray qaar badan oo kamid ganacsiga Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku baxay dibad baxaya ka socda qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska ayaa dhalinyarada dibad baxayay ugu tahay Isgoyska Bakaaraha ee wadada wadnaha, iyagoo ka codsaday inay xaalada dejiyaan.

Guddoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay si nabad ah ay ku muujiyaan shucuurtooda oo ay nidaamka ilaaliyaan.

Waxaa uu uga tacsiyadeeyay wiilkii dhalinyarada ee dhintay, isagoo balan-qaaday in Maxkamad la soo taagi doono askarigii falkaas ka dambeeyay, isla markaana aanay aqbali doonin in la dhibaateeyo dhalinyarada.

"Nidaamka ilaaliya, si nabad ah shucuurtiina ku muujiya, dalka idinka ayaa leh, taayarada la gubayo hala joojiyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Taliyaha Booliska Jen. Bashiir ayaa balan-qaaday in askariga dilka geystay sharciga la horkeenayo, lana maxkamadeyn doono, waxaana uu ka codsaday dhalinyarada in aan lagu soo dhex dhuuman oo dadka rabshadaha wata ka fogaadaan.

Waxa uu sheegay Taliyaha booliiska in ay ka xun yihiin dilka loo geestay dadka shacabka ah, waxa uuna taliyaha balan qaaday in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigi doono askarigii ka dambeeyay dilka loo geestay labada ruux.

Banaan baxa rabshado watay ayaa maanta hareeyay waddooyinka Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama, kaddib markii uu askari ka tirsan Booliska uu wiil dhalinyaro ah iyo qof la socday dil u geystay.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip