C/raxmaan C/shakuur "Waa in Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Xilka Laga Qaado".

0
Saturday April 13, 2019 - 13:50:04 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/raxmaan C/shakuur "Waa in Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Xilka Laga Qaado".

    Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa cambaareeyay wiil dhalinyaro Bajaajle ah oo saaka askari ka tirsan ciidanka Booliska ku dilay Isgoyska Howl-wadaag, iyadoo dilka wiilkaas iyo qof la socday uu ka dhashay banaan bax rabshad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa cambaareeyay wiil dhalinyaro Bajaajle ah oo saaka askari ka tirsan ciidanka Booliska ku dilay Isgoyska Howl-wadaag, iyadoo dilka wiilkaas iyo qof la socday uu ka dhashay banaan bax rabshado wata.


C/raxmaan C/shakuur ayaa ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilay wiilkiisa, lana maxkamadeeyo..

Waxaa uu sheegay in dilalka loo geysto dhalinyarada Bajaajka uu yahay hab dhaqan ku cusub Booliska, isla markaana uu la socdo Taliska cusub ee Booliska Gobolka Banaadir, waxaana uu ku baaqay in xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka.

"Hab dhaqankan waa mid ku cusub Booliska Gobolka Banaadir, wuxuuna la socdaa Taliska cusub, Madaxda dalka iyaga ayaa si buuxda u qaadaya masuuliyada, maadaama ay taliska Booliska Gobolka Banaadir u dhiibeen ninkii u qaabilsanaa shirqoolada dilalka qorshayn ee siyaasiyiinta, awoodna u siiyeen in uusan hoos tegin, amarna ka qaadan Taliska Guud ee Booliska Federaalka”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa soo jeediyay tallooyinkan oo ay ka mid tahay in xilka laga qaado taliyaha Booliska Gobolka Banaadir in awooddiisa loo soo celiyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Si dhibka xal loogu helo, madaxda dawlada waxaan kula taliyanaa:-

1- In Gacanta lagu soo dhigo ragii wiilasha dilay, lana maxkamadeeyo.
2- In xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka.
3- In Taliyaha Booliska Federaalka awoodiisa loo soo celiyo.
4- In maleeshiyaadkii Xasilinta loo bixiyey ee Nabadsugida laga soo ganay, Booliskana lagu soo dhextuuray, dhaqan celin iyo tababar Boolis loo furo.
5- Si sharaf leh loo aaso ehelkoodana Magdhow la siiyo wiilasha la dilay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip