Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle oo Beeniyay inuu Ka Baxay Jowhar.

0
Wednesday March 20, 2019 - 14:13:32 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle oo Beeniyay inuu Ka Baxay Jowhar.

    Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in Madaxweyne ku xigeenka Maamulka hir-Shabeelle Cali guudlawe Xuseen Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo ilaaladiisa inay sababo amni uga soo baxeen Magaalada Jowhar.,kadib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in Madaxweyne ku xigeenka Maamulka hir-Shabeelle Cali guudlawe Xuseen Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo ilaaladiisa inay sababo amni uga soo baxeen Magaalada Jowhar.,kadib markii ay isaga soo baxeen Ciidamada Millateriga Soomaaliya.


Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu magaalada Jowhar ka baxay, isagoo sheegay inuu magaalada ku sugan yahay.

"Magaalada Jowhar ayaa ku suganahay, howlihii caadiga ee maamulka waa socdaan, Golaha Wasiirada, maamulka heer Gobol, heer degmo howlahooda ayay wataan, ciidamada amnigana magaalada waa ku sugan yihiin”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milateriga oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 1aad ay ku sugan yihiin magaalada, sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa jooga magaalada.

Qeyb ka mid ah Ciidanka xoogga dalka ee ka tirsan Taliska 27aad ayaa isaga baxay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida Mahadaay, Buurane , Garsaale iyo Qalimow, kuwaasoo aaday dhanka degmada Balcad.

Ciidamada ka baxay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo raashin la’aan, waxaana xooggooda ay ku sugnaayeen degmada Mahadaay iyo deegaanada dhaca duleedka garoonka diyaaradaha Jowhar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip