Toddobaad Kaddib Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ethiopian Airlines oo Loo Baroordiiqayo.

0
Sunday March 17, 2019 - 17:35:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toddobaad Kaddib Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ethiopian Airlines oo Loo Baroordiiqayo.

    Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa baco ay ka buuxaan ciid laga soo qaaday halkii ay ku burburtay diyaaraddii Boeing 737 Max u qeybisay qaraabada 157-dii qof ee ku dhintay shilkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa baco ay ka buuxaan ciid laga soo qaaday halkii ay ku burburtay diyaaraddii Boeing 737 Max u qeybisay qaraabada 157-dii qof ee ku dhintay shilkaasi.


Maydadka dadkii ku dhintey burburka diyaarada ayaa la waayay iyagoo ku baaba’ay dhulkii ay ku dhacday diyaarada.

Qoysaska ayaa sidoo kale loo sheegay inay qaadan karto muddo lix bilood ah in la kala garto meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi.

Shirkada Diyaaradaha Ethiopia ayaa sheegtay inay siin diinto qoysaska ay dadka ugaga dhinteen burburka diyaarada lacago magdhow ah.

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabanyaa kulan loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay diyaaraddii toddobaad kahor maanta oo kale ku burburtay dalka Itoobiya iyadadoo dad badan oo ka mid ah dadkii ku dhintey diyaarada ay ka soo jeedeen dalka Kenya.

Diyaaraddan laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa Axaddii la soo dhaafay ku burburtay magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa.

Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay ku wajahneyd magaalada Nairobi. Diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip