Dowlada oo Shaacisay Xiliga uu Dhacayo Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka.

0
Thursday March 14, 2019 - 17:48:19 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada oo Shaacisay Xiliga uu Dhacayo Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka.

    Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo maanta shir jaraa'iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo maanta shir jaraa'iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka.


"Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday  inaysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka sannadkan uu dhici doono 11 ilaa 16-ka bisha May ee soo socota.

Wasiirka ayaa sheegay in Imtixaanka ay u fariisan doonaan 45-kun oo arday, kuwaas oo uu kula taliyey iney muujiyaan diyaargarow dhameystiran labada bilood ee soo socota.

"Sannadkan imtixaanka waxaa u fadhisan doona 45 kun oo ardey, dhammaan gobollada dalka 11-16-ka bisha May ee soo socota, wasaaradda waxay soo gaba gabeysay maalintii shalay dhammaan wax kasta oo ku saabsana imtixaanka, ardeyda sannadkan ka baxeysa dugsiga sare waxay korodhay boqolkiiba 20-tan taasna waxaa ugu wacan nabadda’ayuu yiri wasiir Goodax.

Jaamacadaha Dalka ayuu fariin u diray Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Kuwaas oo uu u sheegay inaaney diiwaan galin arday aan soo galin imtixaanaadka ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cabdullaahi Goodax waxa uu kula dar daarmay waalidiinta iney qaataan kaalintooda oo ay ardayda kala shaqeeyaan shuruucda imtixaanaadka.

"Dhamma an hay’addaha kale ee  dowladda waxaan ka rabnaa inay nagala qeyb qaatan ilaalinta imtixaanka sidii markii horaba noogala qeyb qaadan jireen, dowladda goboleedyada, maamulada iskuullada iyo waalidiinta waxaan ku boorinaya inay kaalintooda ka qaatan qabsoomida imtixaanka qaran”ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda waxbarashadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin laha waxbarashada dalka iyo qabsoomida imtixaanka sannadkan.

Ugu dambeyn Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka codsaday Maamulada Gobolada Dalka in ay kala shaqeeyaan qabsoomidda imxitaanaadka, gaar ahaana dhanka xaqiijinta amniga.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip