Muuse Biixi oo Shaaciyey Halka Lagu Qabanayo Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

0
Thursday March 14, 2019 - 14:21:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Shaaciyey Halka Lagu Qabanayo Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in 19-ka bisha March uu dalka Ghana ka dhici doona Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in 19-ka bisha March uu dalka Ghana ka dhici doona Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.


Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya ay diidan yihiin wada hadaladaas.

Waxa uu ku eedeeyey  Muuse Biixi in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr mar diiday wadahadalahaas oo uu sheegay in horay loogu qorsheeyey wadamada, Switzerland, turkiga, Sweden iyo Qatar, isal markaana ay eedeeda leedahay inay dib u dhacaan  dowlada inay dib u dhacaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in  ugu dambeyn la filayo in Bishaan 19-keeda la isugu tago dalka Chana si lo sameeyo Guddi labada dhinac ah.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan wada hadalada la sheegayo inuu bishan ka dhici doono dalka Ghana ee ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore shaacisay inay diyaar u tahay in dib loo soo celiyo wada hadaladii Somaliland oo hakad galay sanadkii 2015 xilligaasoo u dambeysay wada hadalo labada dhinac dhex maro.

Labada dhinac ayaa horay ugu shiray dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, waxaana ay tahay arrin cusub in Soomaaliya iyo Somaliland uu wada hadalkooda ka dhaco dal ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika

Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladda Turkiga, iyadoo Safiirkii hore Olgan Bekir u soo magacawday inuu noqdo Ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip