Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Gaaray Degmada Diin-soor.

0
Wednesday March 13, 2019 - 17:43:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Gaaray Degmada Diin-soor.

    Wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhaweeyey.


Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay degmada Diinsoor maamulka degmada,shacabka mas’uuliyiin iyo saraakiil oo halkaasi ku sugan.

Wafdiga madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa waxaa ka mid ah xubno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Ujeedada booqashada Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu sheegay inay tahay sidii halkaas looga furi lahaa mashaariic horumarineed.

Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmadaasi ayaa waxa ku wehlinayay xubno ka tirsan maamulkiisa,waxaana inta uu ku sugan halkaasi kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Degmada Diinsoor iyo Waxgaradka.

 

 

Madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.

Ammaanka guud Magaalada ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamo Boolis oo dheeraad ah la geeyay Kontaroolada laga soo galo Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip