Dowladda Faransiiska oo Ka Caawinaya Ethiopia Dhismaha Ciidamada Badda.

0
Wednesday March 13, 2019 - 13:46:42 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Faransiiska oo Ka Caawinaya Ethiopia Dhismaha Ciidamada Badda.

    Dowlada Faransiiska ayaa ka caawinaysa dowlada Ethiopia dhismaha ciidamada Badda kadib markii wadahadalo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Faransiiska ayaa ka caawinaysa dowlada Ethiopia dhismaha ciidamada Badda kadib markii wadahadalo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa.


Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed waxa uu ku sheegay in dowladiisu ay ka caawineyso Ethiopia inay dhisato ciidamada badda.

Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay yeeshaan ganacsi iyo xiriir wanaagsan, waxana ay dowlada Faransiiska ugu deeqday dowlada Ethiopia lacag gaareysa boqol malyan oo Euro.

Ciidamada dalka Ethiopia ayaa burburay sanadkii 1991kii kadib markii uu ka go’ay dalka Eritrea wadanka Ethiopia. Hase yeeshee waxa uu dhowaan sheegay ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu dhisi doono ciidamada Badda.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho afar maalmood ah ku jooga wadamo ku yaal Geeska Afrika.

Booqashada Madaxweyne Macron uu ku joogo qaarada Afrika ayaa waxa uu lugtii ugu horeysay ku tegey dalka Jabuuti waxaana lagu wadaa in uu booqdo dalka Kenya.

Itoobiya ayaa sameesatay ciidamada Badda iyo sidoo kale soo iibsatay maraakiib dagaal, waxaana xusid mudan in dowlada Itoobiya aysan laheyn wax bad ah ay adeegsadaan ciidankooda inkastoo dalkaasi sii kordhinayo ciidamada Badda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip