Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay.

0
Wednesday March 13, 2019 - 13:33:33 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay.

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii safar dibbada ah ugu maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii safar dibbada ah ugu maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay.


Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha oo safar Shaqo ku tagay dalalka Jordan iyo Turkiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Dalka Jordan kaga qeyb galay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta, isagoo Khudbad uu ka jeediyay madaxda Baarlamaanada Carabta ugu sheegay in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka looga baahan yahay in si wadajir ah ay u wajahaan ciribtirka Argagaxisada si looga hortago qataraha iyo xasuuqa ay ku hayaan shacabka.

 

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu dib u furmo  16ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah,kadib markii uu dib u dhac uu ku yimid.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa noqonaya kusimaha Madaxweynaha inta uu Madaxweyne  Farmaajo dalka ka maqan yahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip