Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Khudbad Ka Jeedinaya Shirka Africa Now.

0
Wednesday March 13, 2019 - 09:43:19 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Khudbad Ka Jeedinaya Shirka Africa Now.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb galaya Shirka Africa Now ee ka socda dalkaas,kaas oo looga hadlayo arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb galaya Shirka Africa Now ee ka socda dalkaas,kaas oo looga hadlayo arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.


Shirka ayaa lagu wada in Maanta oo Arbaco ah in la soo geba gabeeyo,waxaana khubad dheer la filayaa in uu ka jeediyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo taas oo uu kaga hadli doono arrimaha, Amniga, Kobaha Dhaqaalaha iyo isdhexgalka wadamada Geeska Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Kumaan Ergo oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo shirkaasi martigeliyey, waxaana inta ka hasran shirkaas laga hadli doonaa sida lagu kobcin karo dhaqaalaha Wadamada Afrika.

Shirkan oo u dhexeeyey hoggaamiyaasha dalalka Afrika ayaa intii uu socday waxaa hoggaamiyaasha Afrika iyo madaxda kale ee ka kala socotay Hay’adaha Jimciyadad Qurumaha ka dhexeysa, Banggiga adduunka iyo hay’adaha maaliyadeed e caalamiga ah waxaaa ay diiradda ku saareen arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika,iyadoo lafilayo in gebagebada laga soo saaro qodobo wax ku ool ah Soomaaliyana waxtar u noqda.

Sidoo kale Madaxweyne  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Uganda oo tiro laba jeer ah sheegay hadalo uu ugu gefay Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip