Madaxweyne Deni "Waxa Ka Socda Sanaag Waa Duulaan uu Wado Maamulka Hargaysa"

0
Tuesday March 12, 2019 - 19:10:59 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni "Waxa Ka Socda Sanaag Waa Duulaan uu Wado Maamulka Hargaysa"

    Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay dhaqdhaqaayada cusub ee Ciidamada Somaliland ay todobaadkan ka wadaan deegaano kamid ah gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay dhaqdhaqaayada cusub ee Ciidamada Somaliland ay todobaadkan ka wadaan deegaano kamid ah gobolka Sanaag.


Hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo looga gol leeyahay Hay’ado tayaysan iyo adeegyo joogta ah oo shacabka Puntland ay helaan, ayuu ku soo hadal qaaday xiisada cusub ee Sanaag.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in ujeedka socdaalkan uu yahay oo kaliya sidii loo carqaladeyn lahaa dadaalada ay wadaan beesha Caalamka ee xalka loogu raadinayo xiisada u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somaliland, isagoo digniin adag u diray maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

"waxaan diyaar u nahay inaan ku wada noolaano deris wanaag iyo nabad aan kula noolaano dhigeena, ujeedka Somaliland waa uun in la carqaladeeyo dadaalada beesha Caalamka ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Siciid C/llaahi Deni, madaxweynaha maamula Puntland, ayaa dhinaca kale sheegay iney difaac galayaan Ciidamadiisa, isagoo shacabkana faray iney door ka qaataan difaaca loogu jiro dhulka Puntland.

"Shacabka Puntland Guud ahaan waxaan ka codsanayaa oo aan cod dheer ku leeyahay wadajir ugu istaaga sidii aad u difaaci leheydeen sharafta dhulkiina, Somalilandna waxaan leeyahay cidii isku dayda xad gudub waxey heli doontaa waxey soo raadisay” ayuu hadalkiisa ku soo xiray madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, Saacadihii la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag kusii qul qulayay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliland,kuwaas oo Axadii gaaray deegaanka Yubbe ee gobolkaasi, Sanaag oo ah Waqooyiga dalka, waxaa kala heysta gobokla Sanaag maamulada Puntland iyo Somaliland, iyadoo shacabka ay cabsi la soo deristay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip