Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo Axmed Madoobe oo Kormeeray Wasaaradaha Jubbaland -Sawirro

0
Tuesday March 12, 2019 - 17:31:59 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo Axmed Madoobe oo Kormeeray Wasaaradaha Jubbaland -Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeer waxa ay ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Jubbaland iyagoo la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeer waxa ay ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Jubbaland iyagoo la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada kala duwan.


Ugu horayn waxaa kormeerkooda ay ka bilaabeen Wasaarada Arimaha gudaha iyadoo Wasiirka Wasaaradu uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay hayaan si gaar ah wuxuu u sharaxay hanaanka bixinta Jidadka Caasimada KMG ah iyo adeegyada loo qabto dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga dhadhaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay kaalmo u baahan yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha iyo kuwa kasoo noqonaya Dhadhaab kuwaas oo ay ku adag tahay in ay la qabsadaan Nolosha loona baahan yahay in shaqo abuur loo sameeyo Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynahu in ay diyaarisay goobo ku wanaagsan kaluumaysiga iyo beeraha oo shaqo abuur looga samaynayo dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga loona baahan yahay doorkii Dowlada Federaalka ah.

Madaxweynaha iyo Ra”iisul Wasaarahu waxaa kale oo ay booqdeen Wasaarada Maaliyada iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada iyo dhamaan shaqaalaha iyadoo Wasiirku uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay wasaaradu hada gacanta ku hayso.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay hadda in aan leenahay nidaan cusub oo lagu shaqeeyo, maadaama marka aan kulligeen hal dal wada nahay, dawlad nahay Soomaaliyeed, dad Soomaaliyeed u adeegno, horta waa inaan si waxa yar ee aan haysanno loogu bixiyo sida ugu habboon ugu hufan, dadkana loo gaarsiiyo waa in aan leennahay qorsha shoqo oo u adeegaaya dadka oo dhan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Maadaama dawladdu ay leedahay nidaam ay ku shaqayso aanna billaawnay dawlad gobaleedyada dhan in aan u drino wasiirro iyo hawl-wadeenno, waxa aan rabnaa in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirrada ila scoda iyo adinku aad keentaan qorshayaal wax ku ool ah si marka aan laabanno aan ula laabanno shaoqooyin aan qaban karno oo aan isku ognahay adinka iyo annaga”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Xarumo ay ku shaqeeyaan inta badan Wasaaradaha Dowlada oo dhawaan xariga laga jaray ayay masuuliyiintu booqdeen maanta iyagoo u kuur galayay sida dhaqada umada loo hayo ay u socoto.

















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip