Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ee Ciidamada Burundi Ka Baxayaan oo La Shaaciyay.

0
Monday February 11, 2019 - 10:44:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ee Ciidamada Burundi Ka Baxayaan oo La Shaaciyay.

    Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu soo wajahay walwal dhinaca ammaanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu soo wajahay walwal dhinaca ammaanka ah.


Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ay ka bixi doonaan degmooyinka Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana dhaca dhanka deexda.

Deegaanada ayaa muhiim u ah sugida amniga magaalada Jowhar iyo wadada xeebta ee ka baxda Muqdisho oo ammaankeeda ah mid la isku haleyn karo, iyadoo tan iyo markii Ciidamada AMISOM la wareegeen deegaanadaas aanay wax weerar ka dhicin.

Senator ka tirsan Aqalka Sare oo laga soo doorto Hirshabeelle ayaa sheegay in aanay xilligan munaasib aheyn ka bixitaanka AMISOM, isla markaana cabashada ka timid Maamulka Hirshabeelle ay u gudbin doonaan dowladda Federaalka.

Sanoter Cusmaan Axmed Macow oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo Maanta shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay inay soo gaartay cabasho ah in amaanka deegaanada Hir-Shabeelle ay AMISOM kala wareegeyso dowladda Federaalka,hayeeshee Madaxda Hir-Shabeelle ay qabaan inaysan dowladda ku filneyn.



Waxa uu sheegay in Wasiirka Amniga Hir-Shabelle uu cabashadaas uu soo gaarsiiyay kana aqbaleen,isla markaana ay u gudbin doonaan Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya si wax badan looga bedelo.


Weli ayuu sheegay in aan la gaarin xilligii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed u diyaar garoowi lahaayeen inay amaanka dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM oo dowladda ka caawiya dhinaca amniga,balse Aqalka Sare uu Go’aan ka qaadan doono.

Taliska AMISOM ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in 1,000 askari ka socda Burundi ka bixi doonaan Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorshaha dhimista Ciidamada AMISOM iyo u diyaar garowga ka bixitaanka sanadka 2021, si Ciidamada Soomaaliya ula wareegaan Amniga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip