Ciidanka Badda oo u Dabaal Degay Xuska 54 Aad ee Ka Soo Wareegtay Aas Aaskooda ''Sawirro''

0
Sunday February 10, 2019 - 17:29:52 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Badda oo u Dabaal Degay Xuska 54 Aad ee Ka Soo Wareegtay Aas Aaskooda ''Sawirro''

    Ciidamada Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo la aas aasay 10 Febraayo 1965 ayaa maanta u dabaal dagay Sanad-guurada 54-aad ee kasoo wareegatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo la aas aasay 10 Febraayo 1965 ayaa maanta u dabaal dagay Sanad-guurada 54-aad ee kasoo wareegatay.


Munaasabada Xuska Dabaaldagga ee Sanad guurada 54-aad ee Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiir Dowlaha Gaashandhigga Soomaaliya, Taliyaasha Ciidamada Xoogga & Asluubta Soomaaliya, Abaandullaha Ciidanka Xogga Dalka iyo Saraakiil Ciidan.

Gaada ka cayaar iyo dhoolatus Ciidan   oo ay gudaha xerada Mariino geed ay kusoo bandhigeen Ciidamada ayaa waxaa daawanayay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyihii Hore ee Ciidamada Badda ee Difaaca  Xeebaha Soomaaliya Admiraal Faarax Qare ayaa ka sheekeeyay waxqabadka iyo aas aaska Ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Admiraal Guuto Cabdi Warsame  Cismaan Taliyaha Ciidamada Badda ee difaaca Xeebaha Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidamada Badda Soomaaliya ay hadda yihiin kuwa ku Howlan Difaaca Xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu sheegay in dhalinyarada ka midka ah Ciidamada Badda looga baahan yahay ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka.

Gaba gabadii Munaasabadda Xuska Sanad-guurada Ciidamada Badda waxaa ka hadlay Wasiirka gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe) isagoona sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hadda ku howlan tahay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip