Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Duqeyn Ka Dhacday Duleedka Magaalada Kismaayo.

0
Sunday February 10, 2019 - 14:13:29 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Duqeyn Ka Dhacday Duleedka Magaalada Kismaayo.

    Taliska Ciidamada Milliteriga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn ay ka geysteen deegaan ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidamada Milliteriga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn ay ka geysteen deegaan ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.


Qoraal ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntan ugu dambeysay ay ku dileen illaa siddeed dagaalame oo ka mid ah ururka Al-Shabaab duqeyn ka dhacday meel ku dhow deegaanka Kobon oo aan ka fogeyn magaaladda Kismaayo.

Taliska Africom ayaa sheegay in duqeyntan aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah, ayna sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa kordhiyay weerarada duqeynta ah ee ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya iyadoo sanadkan cusub duqeymaha ay geysteen uu yahay mid aad uga badan bilihii ugu horeeyay ee sanadkii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip