Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

0
Sunday February 10, 2019 - 09:19:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres.


Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii looga gudbi lahaa is fahmi waagii dhawaan ka dhashay Ceyrintii Heysom.

Kulanka ayaa yimid maalin un kadib sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, 8-dii Febraayo 2017.

António Guterres ayaa booriyey isbeddelada wanaagsan oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, oo hadda laba jirsatay.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya ay fuliso tubteeda siyaasadda loo dhan yahay, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha, soo kabashada iyo horumarinta bulshada.

Dhammaan arrimahaas ayuu sheegay in loo baahan yahay in laga qeyb-galiyo oo lagala shaqeeyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

António Guterres ayaa sidoo kale Farmaajo u sheegay inay muhiim tahay in lasii wado wada-shaqeynta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Amisom.

Xoghayaha guud ayaa dhinaca kale uga mahad-celiyey dowladda Soomaaliya joogyenta amniga iyo badbaadada shaqaalaha QM ee Soomaaliya ka taageeraya inay horumar ka gaarto arrimaha nabadda iyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaalida.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in uu soo magacaabayo Ergay cusub oo Soomaaliya wakiil uga noqonaya si howsha iyo taageerada Qaramada Midoobay loo sii dar dar galiyo.

Xiriirka Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa mad madoow soo galay kadib markii dowlada federaalka Soomaaliya soo saartay qoraal ay dalka uga ceyrsisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip