Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galay Casho Sharaf uu Sameeyay Abiy Ahmed -Sawirro

0
Sunday February 10, 2019 - 08:11:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galay Casho Sharaf uu Sameeyay Abiy Ahmed -Sawirro

    Ra'isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Adis Ababa casho sharaf heer sare ah ugu sameeyay Madaxda ka qeyb galeysa shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Maanta ka furmaya Adis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Adis Ababa casho sharaf heer sare ah ugu sameeyay Madaxda ka qeyb galeysa shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Maanta ka furmaya Adis Ababa.


Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayay ayaa ka qeyb galay munaasabada casho sharafta uu magaalada Adis Ababa madaxda ugu sameeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Madaxda ka qeyb galeysay casha sharafta Abiy sameeyay ayaa qaarkood soo xirtay darees isku nuuc ah oo caan ka ah dalka Itoobiya, waxaana munaasabada casha sharafta khudbado ka jeediyay qaar kamid ah Madaxdii ka qeyb gashay.

Magaalada Adis Ababa waxaa ku sugan Madax badan oo ka qeyb galeysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirada lagu saarayo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedin ku leh shirka waxuuna khudbadiisa diiradda ku saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aadan arrintan.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip