Cosoble "Xisbiyada Waxay Walwal Ka Qabaan in Doorashada 2020 Waqtigeeda Ku Dhici Weydo"

0
Saturday February 09, 2019 - 16:37:57 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cosoble "Xisbiyada Waxay Walwal Ka Qabaan in Doorashada 2020 Waqtigeeda Ku Dhici Weydo"

    Guddoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa sheegay in Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ay walwal badan ka qabaan in doorashada soo socota ay waqtigeeda ku dhici weydo, maadaama aanay Xukuumadda weli ansixin sharcigii doorashooyink

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa sheegay in Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ay walwal badan ka qabaan in doorashada soo socota ay waqtigeeda ku dhici weydo, maadaama aanay Xukuumadda weli ansixin sharcigii doorashooyinka.


"Waxaa walwal badan axsaabta Siyaasada ka qabaan gaar ahaan xisbigeena Ileys sida ay Maanta ku socoto uma eko qaab dadka soomaaliyeed ay ku gaari karaan doorasho qof iyo cod ah,waxaana sabab u ah Xukuumadda oo aan ansixin sharciga axsaabta ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay muddo labo bilood ay ka soo wareegatay markii Madaxweynaha uu ku amray Golaha Wasiirada inay muddo todobaad ku ansixiyaan sharciga doorashooyinka, taasoo aanay weli waxba ka hirgelin.

 

"Sida la socotaan Shir Golaha Wasiirada isugu yimaadeen oo Madaxweynaha shir guddoomiynayay, waxaa uu amar ku siiyay Xukuumadda muddo todobaad gudahood inay sharciga doorashooyinka ku soo ansixiyaan, welina Xukuumadda ma ansixin, Baarlamaan looma soo gudbin”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga doorashooyinka ku meel mariyaan, loona soo gudbiyo Baarlamaanka.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip