Ergayga Wadahadallada Soomaaliya Iyo Soomaliland oo Kulamo Ka Wada Hargeysa.

0
Saturday February 09, 2019 - 14:59:45 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergayga Wadahadallada Soomaaliya Iyo Soomaliland oo Kulamo Ka Wada Hargeysa.

    Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa maalmahaan ku sugan Ergayga wadahadallada u qaabilsan Turkiga Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Danjire Dr. Olgan Beker kaas oo Khamiistii Socdaal ku tegay Magalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa maalmahaan ku sugan Ergayga wadahadallada u qaabilsan Turkiga Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Danjire Dr. Olgan Beker kaas oo Khamiistii Socdaal ku tegay Magalada Hargeysa.


Ergayga ayaa kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANE,isaga oo kala hadlayay qaabka ugu fudud ee loo bilaabo karo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo weli hakad ku jira.


Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ergayga ay u sheegeen in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dib u bilaabista wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland,isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan.



Sidoo kale waxa uu sheegay in wadahadallada ay horseedi karaan in Soomaaliland ay hesho madax-banaani,sidoo kalena dunida inteeda kale ay wax la qeybsato.


Ergayga Dowladda Turkiga u soo Magacaawday Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Danjire Dr. Olgan Beker oo mar soo noday Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalinta Khamiista ah ee soo socota in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.


Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa hakad ku jira labadii Sano ee la soo dhaafay oo uu Soomaaliya Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip