Al-Shabaab oo La Sheegay Inay Burburiyeen Taawar Isgaarsiineed oo Ku Yaalla Kenya.

0
Sunday January 13, 2019 - 09:46:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo La Sheegay Inay Burburiyeen Taawar Isgaarsiineed oo Ku Yaalla Kenya.

    Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya.


anteenooyin  ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa

Waxaa uu  sheegay anteenooyin  la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah degaanka looga isticmaalaayay.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya, waxaana Shabaab dhankooda ay sheegtay in ay la wareegeen Gacan ku heynta degaankaasi.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka  ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Shirkadda Safari Telcom ayaa la sheegay inay khasaaro maaliyeed oo aad u badan kala kulmaan Hawlgalladda ay Alshabaab sannadihii la soo dhaafay ku burburiyeen Taawaradda ay Shirkadaasi ku leeyihiin Deegaanadda W/Bari Kenya.



Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Alshabaab burburiyaan Taawaradda Isgaarsiineed ee Shirkadda Safari Telcom ku leeyihiin Deegaanadda ku yaalla Xadka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip