Guddoomiye Ku Xigeenkii Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Soo Horjeestay Xilka Qaadis Lagu Sameeyay.

0
Saturday January 12, 2019 - 18:33:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku Xigeenkii Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Soo Horjeestay Xilka Qaadis Lagu Sameeyay.

    Sayid Cali Sheekh gudoomiye ku xigeenka gudigga doorashooyinka Qaranka soomaaliyeed oo habeenimadii xalaysto ay xilka ka qaadeen xubno ka tirsan gudiga ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu iska difaacay eedaymo loosoo jeediyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sayid Cali Sheekh gudoomiye ku xigeenka gudigga doorashooyinka Qaranka soomaaliyeed oo habeenimadii xalaysto ay xilka ka qaadeen xubno ka tirsan gudiga ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu iska difaacay eedaymo loosoo jeediyay iyo sharci ahaanshaha xilka qaadista lagu sameeyay.

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in 10-ka bishaan ay soo gaartay warqad ka soo baxday xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ku aadan inay xilka iyo xubinnimadii Guddiga uu ka haayay laga xayuubiyay,iyadoona qoraalkaasi uu ku saxiixnaa Guddoomiyaga Guddiga Doorashiinka Xaliimo yarey.


Sayid Cali Sheekh waxa uu sheegay in xubinimadiisa ay soo martay habab kala duwan isla markaana ay ansixiyeen golaha baarlamanka, waxa uu sheegay in sababta waqtigaan keentay xil ka qaadistiisa ay salka ku hayso khilaaf hareeyay xubnaha gudigga sanadkii lasoo dhaafay.



Sayid Cali Sheekh sidoo kale waxa uu eedayn u jeediyay gudoomiyaha gudigga dooraashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Xaliimo Yarey oo uu sheegay in ay ku tagri fashay awoodii gudigga, Musuqmaasuq, keligii talisnimo, cadaalad daro iyo in ay ku fashilantay shaqadii ay qaranka soomaaliyeed u haysay ayuu ku eedeeyay gudoomiyuhu, sidoo kale waxa uu xusay in ay eedo usoo jeediyeen hay’adaha la shaqeeya gudigga.


Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa Ka Soo horjeestay xilka qaadistaas lagu sameeyay waxa uuna sheegay in si cadaal ah aan loo marain,isla markaana uu hortegi doono Golaha Shacabka si halkaasi uu uga jeediyo eedeeymo la xiriira Guddiga Doorashooyinka.


Qoraal ay soo saareen Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga, isla mar ahaanta ka saaray xubinnimada,iyagoona lagu eedeeyay in uu u ku xadgudbay sharciga guddiga



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip