Xilliga uu Xilka La Wareegayo Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo La Shaaciyay -Sawirro

0
Saturday January 12, 2019 - 18:16:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilliga uu Xilka La Wareegayo Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo La Shaaciyay -Sawirro

    Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in dhawaan uu sirasmi ah ula wareego xilka Madaxweynaha Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in dhawaan uu sirasmi ah ula wareego xilka Madaxweynaha Puntland.


Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magalada Garoowe waxaa lagu doortay 8-dii Bishaan Janaayo,waxaana la filayaa in 14 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah uu xilka la wareego.


Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in munaasabad lagu qaban doono Magalada Garoowe u xilka ku wareejiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.



Madaxweynaha Cusub ee Puntland ayaa laga sugayaa in mudo Saddex todobaad Gudahood ah in uu kusoo Magacaabo Golihiisa Wasiirada,waxaana horyaalla Shaqooyin adag iyo in uu isbedel la yimaado.


Tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu waday kulamo kala duwan.


Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa kulan la qaatay madaxda Wasaarada Maaliyada Puntland.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimo la xiriira howlaha maaliyada iyo sida ay u dhaqangashay wareegtadii ugu horeysay ee uu soo saaro Madaxeyne Deni taasoo lagu xayiray dhammaan kharashaadka Maamulka 

Madaxweyne Deni ayaa waxa uu u muuqdaa in ahmiyad weyn uu siinayo arrimaha maaliyada maadama amrakiisii ugu horeeyay ee uu soo saaray uu ahaa in Bankiga Puntland uusan bixin wax dhaqaallo ah ilaa amar dambe.













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip