Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika.

0
Saturday January 12, 2019 - 10:10:53 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika.

    Koox burcad Koonfur Afikan ah ayaa xalay Magaalada Restunburg ee dilkaasi waxa ay weerar isugu jiray dil iyo dhaawac ugu geysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ah dadka ganacsiga ku leh dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox burcad Koonfur Afikan ah ayaa xalay Magaalada Restunburg ee dilkaasi waxa ay weerar isugu jiray dil iyo dhaawac ugu geysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ah dadka ganacsiga ku leh dalkaasi.


Kooxda Burcada ah ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxa ay ugu tageen goob ganacsi oo ay ku lahaayeen dalka Koonfur Afrika,isla markaana u geystay weerar isugu jiray Dil iyo dhaawac.


Gudoomiyihii hore ee Restunburg Abdirahman Shekh Ukun oo xiliga weerar uu ka dhacayay ku sugnaa goobta ayaa xaqiijiyay inay weerarkaasi ku geeriyoodeen Muwaadintiinta lagu kala magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullaahi Maxamuud,halka midka la dhaawacay lagu magacaabo Cali Cusmaan Malaaq.



Booliiska magaalada Rusterburg ayaa wada baaritaano ay ku sameenayana dilka muwaadiniintan Soomaaliyeed loo geestay, mana jir ilaanhada cid loo soo qabtay dilka labadan dhalinyaro xalay loogu geestay .

Bishan Janaayo 7 ayaa ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah lagu dilay magaalada Capte Town, waxaana isla goobtii looga dhacay lacag gaareeysay 500,000 Rand (US $36,000).


Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dilaa Ganacsatada Soomaaliyeed,waana dilkii labaad ee laba todobaad gudahood dalka Koonfur Afrika loogu geysto Ganacsatada Soomaaliyeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip