Maamulka Gobalka Banaadir oo Ka Hadlay Muxaadaradii Sheekh Kenyaawi.

0
Friday January 11, 2019 - 22:23:57 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobalka Banaadir oo Ka Hadlay Muxaadaradii Sheekh Kenyaawi.

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay muxaadaradii Galabta qabsoomi weysay ee uu Hoolka Sahal ka jeedin lahaa Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi,kadib markii ay Goobta ka dhacday Isbuurasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay muxaadaradii Galabta qabsoomi weysay ee uu Hoolka Sahal ka jeedin lahaa Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi,kadib markii ay Goobta ka dhacday Isbuurasho.


Gudoddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in muxaadarada ay u qabsoomi weysay sababo la xiriira dadweynihii Muxaadarada dhageysan lahaa oo aad u farabadan kadibna ay Goobta deeqi weysay.


Waxa uu sheegay in meel ka weyn Hoolka Sahal lagu qaban doono muxaadaradaas,isla markaana Dadka jecel inay dhageystaan ay tegi doonaan.



"Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel.


Goobtii Galabta lagu qaban lahaa Muxaadarada ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan Ruux taas oo keentay in dadku isbuurtaan,waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo ka mid ahaa dadkii muxaadarada halkaasi u tegay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip