Dad Ku Dhaawacmay Isbuurasho Maanta Ka Dhacday Magaalada Muqdisho.

0
Friday January 11, 2019 - 22:12:33 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku Dhaawacmay Isbuurasho Maanta Ka Dhacday Magaalada Muqdisho.

    Waxaa maanta isbuurasho ka dhacday meel ku dhaw Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay tirada ka bateen dadkii la doonayay in ay kasoo qeyb galaan muxaadarada Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Kenyawi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta isbuurasho ka dhacday meel ku dhaw Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay tirada ka bateen dadkii la doonayay in ay kasoo qeyb galaan muxaadarada Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Kenyawi.


Kumanaan dadweyne ah ayaa isugu tagay hoolka Sahal oo la filayay in Muxaadaro ku qabto Sheekh Kenyaawi oo dhawaan Muqdisho yimid, hasa ahaatee dadweynihii tirada badnaa ee isugu tagay agagaarka Hoolka ayaa isbuurasho sameeyay.

Ciidamada amaanka ee ku sugnaa hoolka Sahal ayaa la sheegay in ay rasaas fureen, waxaana lagu soo waramayaa in sadex ruux ay ku dhaawacmeen rasaasta dhacday sidoo kale isbuurashada waxyeelo kasoo gaaraty dadkii meesha ku sugnaa.

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa markii dambe go’aansaday in uu baajiyo muxaaradii uu qaban lahaa, waxa uuna Sheekha sheegay in Muxaadarada dib u dhigay laguna qaban doono goob ka weyn hoolka Sahal.

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in muxaadaradaas ay Galabta ka baaqato,isla markaana dadkii uu ugu talo galay dad ka badan ay goobta yimaadeen taas oo keentay in isbuurahso iyo buuq ay meesha ka dhacdo.


Waxa uu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo Saddex Gabdhood oo uu dhaawac soo gaaray,waxana uu sheegay in dhawaan,isaga oo kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir uu shaacin doono Goob ka weyn hoolka Sahal ee Muxaadaro lagu qabanayo.


Laga soo bilaabo Isgoyska Soobe ilaa Hoolka Sahal oo ku yaalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa waxaa Galabta buux dhaafiyay Boqolaal Ruux oo doonayay inay Muxaadaradaas dhageystaan,hayeeshee aysan u suurtagelin.


Kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu tagay Hoolka Sahal iyo aaga ku dhaw, waxaana dadka isku xirmeyn hoolka Sahal ilaa laamiga Taleex .

Hoolka Sahal ayaa horey loogu qaban jiray Bandhig faneedyada iyo sidoo kale munaasabadaha kale ee dowlada, waxa ayna aheyd markii ugu horeesay oo Muxaadaro diini ah la qorsheeyay in laguqabto hoolkaasi inkastoo markii dambe ay baaqatay .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip