Xilka Qaadis Lagu Sameeyey Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka (Wareegto)

0
Friday January 11, 2019 - 22:00:50 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilka Qaadis Lagu Sameeyey Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka (Wareegto)

    Qoraal ka soo baxay Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu sheegay in xilka ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sayid Cali Sheekh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal ka soo baxay Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu sheegay in xilka ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sayid Cali Sheekh.

Guddiga ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka inuu ku tuntay sharuucda guddiga isla markaana uu guddoomiye ku xigeenka uu ku dhaqaaqay inuu dumiyo guddiga

Xil ka qaadista lagu sameeyay Gudoomiye kuxigeenka guddiga doorashooyinka ayaa la ogeesiiyay Madaxda ugu sareysa ee dalka, 

Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha guddiga iyo shan xubnood oo ka mid ah Guddiga doorashada.

Kiiskan ayaa soo socday muddo lix bilood ah, waxana gabagabadii guddigu soo saareen go’aan ay ku caddaynayan in ay xilka iyo xubinnimada labadaba ka qaadeen Mudane Sayid Cali oo ahaa xubin ka tirsan isla mar ahaantana guddoomiye ku xigeenkii guddiga.


Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa la aasaasay April 2, 2015. Go’aankan cayrinta xubinta guddiga ayaa ah kii u horreeyey guddigu ku qaado xubin ka tirsan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip