Guddoomiye Tuulax oo Sheegay in La Baarayo Sababaha Keena Gubashada Suuqa Bakaaraha.

0
Friday January 11, 2019 - 12:32:10 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Tuulax oo Sheegay in La Baarayo Sababaha Keena Gubashada Suuqa Bakaaraha.

    Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in dabkii xalay ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ay ku baaba'da hanti badan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in dabkii xalay ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ay ku baaba'da hanti badan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.


Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay xakameeyeen dabkaas, kaasoo dhalin lahaa khasaare intaas ka badan, waxaa uu tilmaamay inay wadaan baaritaan.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan sababaha keena gubashada Suuqa Bakaaraha iyo hantidii lagu waayay.

Dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa ka billowday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda, isagoo kusii faafay qeybaha Maacuunta, Hilibka, Dukaamo iyo Guryo halkaas ka dhowaa.

Dabka oo saacado socda ayaa markii dambe waxaa damintiis gacan ka geystay Maamulka Gobolka Banaadir, Shirkadaha madaxa banaan iyo dadweyne is xilqaamay, iyadoo Ciidamada ay sugayeen ammaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip